Den här webbplatsen använder kakor. Genom att fortsätta att använda sidan accepterar du vår hantering av kakor. Stäng
Skandikon logotyp

SIDAN AYAAD U DOORANAYSAA KAP-KL

KAP-KL waxa weeye hawlgabka shaqada ee dhamaan dadka u soo shaqeeyey kamuunka maamulka gobolka iyo qaar ka mid ah shirkadaha. Shaqo bixiyahaaga ayaa bixinaaya qadar lacagta caymiskaga. Laakiin waa adiga cida qo'aaminays nooca caymiska hawlgabka ee aad qabsanayso.

Waxaad sida ugu dhibta yar uga dooranaysaa Valcentralen. Halkaas ayaad sidoo kale ka helaysaa macluumaadka ku sabsan fursadahaaga doorashada. Haddii aanad rabin inaad doorato ayaa lacagtaada hawlgabka la galin doonaa caymiska dhaqanka ee hawlgabka iyadoo leh ka ilaalinta dib u bixinta ee shirkada caymiska KPA Pension.

TAAS AYAY HAYSAA KAP-KL

Sanad walba waxa uu bixiyaa shaqo bixiyahaagu inta u dhiganta boqolkiiba 4,5 oo mushaharkaaga ah iyo boqoqlkiiba 30 mushaharka intaa ka sareeya, taas oo lagu shubaayo caymiska hawlgabka.

Inta ay leekaanayso lacagtaada hawlgabku waxay ku xidhantey intey leegtey lacagta lagu shubey sanadada ilaa intaad hawlgab noqonayso, inta ay hantida hawlgabku kobacdo xiligaas iyo intey leeg yihiin kharshka ay qaataan shirkadaha caymisku. Sidaas darteed ayaad adigu go'aaminaysaa nooca caymiska ee aad doonayso iyo shirkada caymiska ee maareyn doonta.

KA BILOW INAAD DOORATO NOOCA CAYMISKA

Waxa jira laba nooc oo caymiska hawlgabka ah: caymiska dhaqanka iyo  caymiska sanduuqa.

• Caymiska dhaqanka  Caymiska dhaqanka ayay shirkada caymisku go'aaminaysaa meesha lacagtaada la gallinaayo. Shirkada caymisku waxay galinaysaa warqad xanbaarsan ribo, sheerer, guryaha iwm. iyagoo gacanta ku hayn doona maamulkeeda. Waxa inta badan laguu balanqaadi doonaa waxa ugu yaraan ku kordha qiimaha. WAxa kale oo jira hab cosub oo loo maareeyo kaas oo lagu tiriyo caymiska dhaqanka, halkaas oo qiimaha ku kordhaaya ee laguu balan qaadayaa uu noqon karo wax yar ama eber.

• Caymiska sanduuqa. Caymiska sanduuqa adiga ayaa guud ahaan go'aaminaaya sanduuqa aad ku darsanayso lacagtaada hawlgabka. Adiga ayaa markaa qaadaaya halista sida ay hantida hawlgabkaagu ukobceyso.

Markaad doorato caymiska sanduuqa ee shirkad caymiska oo gaar ah ayaa la galainayaa lacagtaada marka hore waxa loo yaqaan xalka ilinka (entrélösning) Kadibna adiga ayay shirkada caymisku kula soo xidhiidhaysaa iyadoo ku siinayso fursada aad adigu ku dooranayso shirkadu waxay hayso AKAP-KL.

SII WADO DOORASHADA SHIRKADA CAYMISKA

Markaad dooratey nooca caymiska aya tahay talaabad labaad inaad doorato shirkada caymiska ee haynaysa lacatgaada hawlgabka. Waxaad Vallcentralen iyo foomka doorashada ee AKAP-KL ka arki kartaa nooca kharashka ay shirkada caymisku qaadanayso. Waxa kale oo aad arki kartaa sida wanaagsan ee ay shirkada caymisku u maamushay hantida shantii sanno ee ugu danbeeyey.

Faa'iidada aad haysato iyo  intuu kharashku leegyey waxa saameynaaya inta ay leegtey lacagta hawlgabka ee aad helayso. Faa'iidada ayaa nasiib darro ay adagtey ama aany suurtogal aheyn in la qiyaaso marka laga eego sida ay shirkadu horey ugu faa'iidey. Faa'iidada la soo dhaafey ee taariikhiga ah ma damaanad qaadayaan faa'iidada mustaqbalka imaan karta. Marka laga hadlaayo caymiska boorsada ayaa lacagta la galiyey boorsada ay qiimaheedu kordhina karaa yaraana karaa iyadoo aan la hubin inaad heli doonto dhamaan hantida aad galiyey. Kharashka intuu leegyey ayaad ka akhriyi kartaa iyadoo micno sameynaysa inta ay leegtey lacagta aad galineysaa.

SAMEE DALABKAAGA

Si ay kuugu dhib yaraato inaad doorato ayay ku siinaysaa Valcentralen fursado kala duwan si aad u sameyso dalabkaaga KAP-KL.

• Toos uga dooro www.valcentralen.se. Halkaas oo aad ku soo galayso e-legitimation (BankID ama Mobilt BankID) kaaga. Haddii aanad haysan e-legitimation ayaad kaas ka heli kartaa bangigaaga.

• Dooro adigoo isticmaalaaya tilmaamaha foomka ee aad www.valcentralen.se. ka helayso. Halkaas oo talaabo talaabo u raacayso habka doorashada iyadoo natiijadu ay anoqon doonto foom aad soo daabacan karto, saxeex oo noo soo dir anaga.

Markaad hesho dukumentiyada caymiska ayaad la xidhiidhi kartaa shirkadaada caymiska si aad uga saarto ama ugu darto ka ilaalinta dib u bixinta iyo wixii la mid ah ee kala. Iyo haddii aad maraa dalbatey caymiska sanduuqa oo aad markaa dooran kartaa wareejinta sanduuga.

MACLUUMAAD KU SABSAN WAREEJINTA

QOFKA HORE UGA SHAQEYN JIREY KAMUUNKA IYO GUDIGA GOBOLKA

Waxaad hantidaada hawlgabka ee KAP-KL taala wareejin kartaa adigoo isticmaalaaya Valcentralen, på www.valcentralen.se.

Xataa haddii aanad wareejin hantida ayuu muuqaalada cusubi yihin qaar faa'iido leh. Waxay ku siinaysaa meel iskugu geyn dhamaan caymisyadaada leh hantida la wareejin karro ee taala KAP-KL iyo iyada oo tuseysa inta hanti ku jirta mid kasta. Waa marka aad hesho macluumaadkan markaad go'aaminayso hantida aad wareejinayso, haddii ay taasi jirto.

SIDAN AYAA U SOO WAREEJINAYSAA HANTIDAADA HAWLGABKA

Ku soo gal e-legitimationkaaga (BankID eller Mobilt BankID) på www.valcentralen.se. Halkaas ayaad ka helaysaa macluumaad cad oo ku sabsan sida aad u sameynayso hanti wareejinta. Waxay u dhacaysaa dhowr talaabo:

1. Waxaad bilaabaysaa wareejinta adigoo dalbanaaya macluumaad ku sabsan hantida hawlgabka ee la wareejin karro. Markaas ayaanu u diraynaa codsi dhamaaan shirkadaha bixinaaya hanti wareejinta ee ku jira KAP-KL si aad u ogaato caymiska aad haysato iyo inta ay leegtey hantida hawlgabka ee ku jirta.

2. Marka meel iskugu geyntu ay diyaar tahay ayaa taas si degan u eegaysaa. Haddii aad doonayso inaad sameyso hanti wareejin ayaad haysataa 14 maalmood inaad ku sii tagto talaabada 3.

3. Waxaad dalbanaysaa caymiska iyo shirkada aad u kala wareejinayso hantida, liistada ay si cad uga muuqato kay tahay hantida aad wareejinaysaa iyo inta ay leegtey qiimaha kharashka wareejintu.

4. Hantida in la soo wareejiyo ayaa la bilaabayaa. Wali waad is badali kartaa oo waxa laguu ogolyey  inaad joojiso wareejinta 10 maalmood gudahood.

5. Qiyaas ahaan laba bilood kadib ayaa hanti wareejinta la dhameys tirayaa. Waxaad si joogto ah ugala soconaysaa habsocodka bogga internedka ee Valcentralen Marka la hayso warbixin cusub, ama marka ay tahay in go'aan l agaadho, ayaanu kugu soo wargalineynaa  emayl ama sms ahaan.

Nu kan du välja att få din post digitalt.

Skandikon är ansluten till Kivra.

Intresserad? Klicka på länken och läs mer om hur du lätt kommer igång med din digitala brevlåda.

Är du redan ansluten till Kivra? Klicka här.

Postadress Valcentralen, 106 55 Stockholm
Kontakt Telefon 0771-44 44 00, e-post kundcenter@valcentralen.se