Den här webbplatsen använder kakor. Genom att fortsätta att använda sidan accepterar du vår hantering av kakor. Stäng
Skandikon logotyp

KAP-KL

AKAP-KL - Hawlgabka da'da ee Wadajir Loogu Heshiiyay - waxa uu khuseeyaa dadka u shaqeeya degmada/kamuunka iyo maamulka gobolka ee dhashay 1938 ama wixii ka danbeeyey. KAP-KL waxa uu shaqeynayaa laga bilaabo 1 janaayo 2006 isagoo badalaaya heshiiska PFA ee hawlgabka. Marka laga bilaabo 1 janaayo 2014 ayay KAP-KL ku jiraan shaqaalaha dhashay 1985 ama wixii ka danbeeyey. KAP-KL waxay ka xidhan tahay inay 2023 cid cusub ku soo biirto. Waxay KAP-PL kaliya khuseysaa dadka shaqaalaha ah ee aanay qasabka ku aheyn inay 2023 u soo bedeshaan AKAP_KL ama iyagu iyadoo aanay cidi ku qasbaynin u soo bedesha AKAP-KR. Dadka u shaqeeya ururada shaqaalaha ee gobolka iyo degmada ayaa iyaguna ku jira KAP_KL iyo sidoo kale shaqaalaha shirkadaha kamuunka ee ka midka ururada shaqo bixiyayaasha ee Sobona.

Faa'iidooyinka ay KAP-KL leedahay

KAP-KL waxa ku jira:

• tabaruca la bixinaayo ee lacagta hawlgabka da'da ee qeexan

• faa'iidada lacagta hawlgabka da'da ee qeexan

•  lacagta hawlgabka oo la siiyo dadka ka hadha ee dadka waaweyn iyo carruurta

Mushaharka iyo dakhliga lacagta hawlgabka laga bixinaayo

 Waxay KAP-KL mushaharka lacagta hawlgabka laga bixinaayo ku qeexaysa inay tahay sida

• mushahar lagu bixiyo kaash

• mushahar kaa baaqdey oo ay keentay iyadoo lagu maqan yahay fasaxa xanuunka, shil, dhaawac shaqada kaa soo gaadho, fasaxa waalidka iyo hawlaha wakiilka urruruada shaqada loogu maqnaado.

Lacagta hawlgabka da'da ee faa'iidada ayay xisaabta khidmada la bixinayaa ku salaysan tahay kharashka mushaharka kaashka ah marka lagu darro mushaharka kaa baaqdey ee khuseeya. Waxa faa'iidada lacagta hawlgabka da'da ee qeexan, dakhliga lacagta hawlgabka laga bixinaayo lagu saleeyaa shanta sanno ee aad ugu mushaharka badneyn ee todobadda sanno ee ka horeeya intaanu qofka shaqaalaha ahi hawlgabka noqon ama aanu helin xuquuqdiisa uu u leeyey gunada bukaan socodka ama deeqda waxqabadka.

Tabaruca la bixinaayo ee lacagta hawlgabka da'da ee qeexan

Waxa uu shaqo bixiyahu sanad walba meel dhigaaya boqolkiiba qeyb ka mid ah mushaharka qofka shaqalaha si loogu daro tabaruca la bixinaayo ee lacagta hawlgabka da'da ee qeexan. Faa'iidada ayay helaan dhamaan dadka shaqaalaha ahi marka laga soo bilaabo da'da 21 sanno jirka.

Tabaruca ayaa ah boqolkiiba 4,5 mushaharka ilaa iyo 30 ee qadarka ku salaysan mushaharka. Qofka shaqaalaha ahi waxa uu dooran karaa inuu tabaruca maalgalin ku sameysto

• maareynta nolosha ama maareynta maaliyadda

• taas oo wadata ama aan wadanin caymiska kaa qabanaaya/ilaalinaaya dib u bixinta.

Haddii qofka shaqaalaha ahi aanu waxba dooran, ah sameyn ayaa tabarucaadka lagu maalgalinayaa Tjänstepensionsförsäkring AB iyadoo la galin doono caymis hawlgabka ee caadiga ah kaas oo leh caymiska kaa qabanaaya/ilaalinaaya dib u bixinta.

Waxa uu qofka shaqaalaha ahi marka uu doono sameyn kara doorasho cusub oo lacagaha hawlgabka mustaqbalka ah.

Lacagta hawlgabka da'da ee qeexan ayaa qaadan karaa/la isa siin karaa laga bilaabo da'da 60 sanno jirka. Qofka shaqalaha ah ayaa dooranaysaa inuu isagu/iyadu hesho lacag intaad nooshahay oo dhan lagu siiyo ama in xili go'an lagu siiyo, ugu yaraan waa toban sanno. Haddii uu tabaruca hawlgabka boqolkiiba 1 ka yaryahey dakhliga sanadkii ee gundhiga ah ayuu loo shaqeeyahaagu taas bedelkeeda qadarkaas u dhigma kugu siinayaa mushahar ahaan.

Faa'iidada lacagta hawlgabka da'da ee qeexan

Faa'iidada lacagta hawlgabka da'da ee qeexan ayay dhamaan dadka shaqalaha ahi helaan sanad isku buuxa, yeeshaan

• mushaharka hawlgabka laga bixinaayo ee ka sareeya 7,5 qadarka dakhliga ee gundhiga

• dakhliga hawlgabka laga bixinaayo oo ka sareeya 7,5 qadarka dakhliga ee gundhiga

Hawlgabka da'da ee faa'idadu ku salaysan waxa la helaa laga bilaabo da'da 28 sanno jirka ilaa da'da la gaadhaayo 65 sanno jirka. In la helo hawlgabka da'da ee faa'idadu ku salaysan ee qeexan waxa la iskaga baahan yahay in la shaqeeyo muddo 30 sanno ah.

Qadarka faa'iidada ee boqolkiiba waxay ku xidhan tahay sanadka uu qofka shaqalaha ahi dhashay.

Sanadka dhalashada 7,5–20 IBB 20–30 IBB
-1946 62,50 31,25
1947 62,14 31,07
1948 61,79 30,89
1949 61,43 30,71
1950 61,07 30,54
1951 60,71 30,36
1952 60,36 30,18
1953 60,00 30,00
1954 59,64 29,82
1955 59,29 29,64
1956 58,93 29,46
1957 58,57 29,29
1958 58,21 29,11
1959 57,86 28,93
1960 57,50 28,75
1961 57,14 28,57
1962 56,79 28,39
1963 56,43 28,21
1964 56,07 28,04
1965 55,71 27,86
1966 55,36 27,68
1967 55,00 27,50

Hawlgabka da'da ee faa'idadu ku salaysan waxa la bixinayaa intaad nooshahay iyadoo laga bilaabo da'da 62 jirka iyadoo laguugu xisaabinaayo xiliga shaqada ee uu sii joogey qofka shaqaalihii ilaa inta uu gaadhaayo 65 jir. Lacagta hawlgabku ayaa la yaraynayaa ama la kordhiyaa 0,4 boqolkiiba bil kasta oo la qaato lacagta inta ka horeysa ama ka danbeysa 65 sanno jirka.

Lacagta hawlgabka oo la siiyo dadka ka hadha ee dadka waaweyn iyo carruurta

Qofka ka hadhay qofka shaqaalaha ah ee dhintey ayaa markuu dhintey xaq u lahaan kara hawlgabka dadka ka hadha. Faa'iidada kale ee jirtaa waxa weeye in lixda bilood ee ka dambeeya la kafeeyo. Faa'iidada kuma xidhna mudadda shaqada.

Lacagta hawlgabka ee la siinaayo qofka weyn ayaa la bixinayaa muddo shan sanno ah.

  Ugu badnaan 20 IBB 20–30 IBB
Heerka hawlgabka % 15 7,5

Lacagta hawlgabka ee la siinaayo carruurta waxa la bixinayaa ilaa bisha uu ilmahu buuxinaayo 18 sanno jir ama, haddii wax la baranaayo ilaa bisha uu ilmahu buuxinaayo 20 sanno jir.

  Ugu badnaan 7.5 IBB 7,5–20 IBB 20–30 IBB
Heerka hawlgabka % 10 28 14

Haddii ay jiraan wax ka badan hal carruur ah, ayaa lacagta hawlgabka lagu dhufanayaa tirooyinka hoosta ku qoran iyadoo lacagta hawlgabka ee la xisaabiyey si isku mid ah loogu kala qeybin doono carruurta.

Tirada carruurta 2 3 4 5 ama wax ka badan
Tirooyinka 1,4 1,6 1,8 2

 

Nu kan du välja att få din post digitalt.

Skandikon är ansluten till Kivra.

Intresserad? Klicka på länken och läs mer om hur du lätt kommer igång med din digitala brevlåda.

Är du redan ansluten till Kivra? Klicka här.

Postadress Valcentralen, 106 55 Stockholm
Kontakt Telefon 0771-44 44 00, e-post kundcenter@valcentralen.se